Khamiis, October, 19, 2017 (HOL) –Waxaa
maanta dib u dhis lagu bilaabay Laamigii Isgoyska Zoobe ee ku bur buray qaraxii
cuslaa 14kii bishan halkaa ka dhacay.
Laamigii saarnaa bartamaha Isgoyska Zoobe ayaa ku baaba’ay qaraxii weynaa ee
halkaas ka dhacay, waxaana goobta uu gaariga ku qarxay ka sameysmay God weyn.
Gaadiidka iyo dadweynaha lugeynaya ayaan loo ogoleyn wali in ay isticmaalaan
waddada, iyadoo howlihii gurmadka ee meydadka looga baarayey dhismayaasha
halkaas ku yaalla la soo gebagebeeyey habeen hore.
Sida sheegeen saraakiisha dowladda qaarkood waddada ayaa la filayaa in dib
loo furo kaddib marka la soo afjaro dib u dhiska iyo howlaha nadiifinta ah ee
ka socda.
Sidoo kale qaar ka mid ah dhismeyaashii halkaas ku yiilay ee ku dumay
qaraxa ayaa waxaa laga bilaabay dib u dhis.
Qaraxii 14kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ayaa waxaa ku dhintay ugu
yaraan 300 oo qof halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ku badan, waxaa jira dad
badan oo weli la la’yahay, iyadoo hanti fara badan iyo dhismeyaal waaweyna ay
ku burbureen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]