4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2017
Madaxweyne Farmaajo : Waxaan dhiseynaa ciidanka difaaca dadweynaha

 

Khamiis, October, 19, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Kumannaan dadweynaha reer Muqdisho ay maalintii shalay kala qeybgalay dibadbax ballaaran oo ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta Banaadir, ayaa sheegay in dowladdu dhiseyso ciidamo cusub oo lagu magacaabo [Ciidanka Difaaca Dadweynaha]

Madaxweynaha ayaa sheegay dhismaha ciidankan ay ugu horeyn doonaan shaqaalaha dowladda, loogana baahan yahay qof kasta Soomaali ah in uu ciidankaa qeyb ka noqdaa.

“Ciidanka difaaca waxaa dhismihiisa ugu horeyn doona shaqaalaha rayidka ee dowladda oo lagu bilaabayo, shacabka Soomaaliyeed, qof walba waa in uu qeyb ka qaato difaaca dadweynaha, hadaynan is difaacin Shabaab haday soo galayaan.” ayuu yiri Farmaajo.

Shacabka ayuu ku booriyay madaxweynaha in aysan ciidamo kale oo shisheeye ah ka sugin in ay difaacaan, laakiin looga baahan yahay bulshada Soomaaliyeed in ay igu is difaacaan.

“AMISOM way mahadsan yihiin inta Askariga Afirkaanka ah wadanka u dhimanayo Adiga maxaad sameyneysaa, Adiga miyaa lagu difaacayaa, Maya .. Maya Anagaa is difaaceyna,  ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dadweynihii shalay isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin dhacdadii 14kii bishan ka dhacday Isgoyska Zoobe oo galaafatay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]