4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2017
Talyaaniga oo lacag ugu deeqay Soomaaliya kaddib Qaraxii Cuslaa ee Zoobe

 

Khamiis, October, 19, 2017 (HOL) – Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay ku deeqday lacag dhan 300,000 oo Euro si ay u siiso Bisha Cas ee Soomaaliyeed kaddib weerarkii isgoyska Zoobe bilowgiii Todobaadkan.

Warkan waxaa lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay Arbacadii xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada dalka Talyaaniga.

“Waxaan diyaariyey adeegga Talyaaniga ee gargaarka deg degga ah ee 300,000 oo Euro si ay kaalmo ugu noqoto Ururka Caalamiga ah ee Bisha Cas (FICROSS), qayb ahaan lacagtan waxaa si gaar ah loogu tala galay in wax looga qabto weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Angelino Alfano.

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Talyaaniga Angelino Alfano ayaa wuxuu sheegay Talyaaniga mar walba inuu jecel yahay inuu muujiyo taageeradiisa Soomaliya, gaar ahaan qoysaska hada dhibanayaasha ah iyo kuwa dhaawacmay.

Weerarkii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 280 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa 300 oo qof, kaasi oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid musiibo Qaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]