4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2017
Guddoomiya gobolka Banaadir oo magac cusub u bixiyay Isgoyska Zoobe

 

Khamiis, October, 19, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in magacii laga bedelay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho halkaas oo 14-kii bishan uu ka dhacay qarax ba’an oo si weyn loogu hoobtay.

Guddoomiyaha oo soo gabagabeynayay socod dheer oo ka soo bilowday garoonka Istadyum Konis illaa Isgoyska Zoobe kaasoo ay ka qeyb qaadanayeen boqolaal shacab ah ayaa sheegay in xiligan wixii ka dambeeya loo bixiyey isgoyska mashaqadu ka dhacday (14-ka Oktoobar).

Waxaa uu sheegay in maadaama 14-ka Oktoobar tahay maalintii isgoyskaas lagu xasuuqay shacab fara badan ay sanad walba noqon doonto taariikhdaas mid lagu xusuusto dadkii qaaliga ahaa ee lagu waayey qaraxaas.

Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badana wey ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay isgoyska Zoope 14kii bishan markii uu halkaas ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa loo adeegsaday, waxaana jira burbur xoog leh iyo dad fara badan oo weli nolol iyo geeri aan lagu heynin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]