Xarrakada Al-shabaab oo sheegatay dilkii xildhibaan Timo Faras ee magaalada Kismaayo
Khamiis, October, 19, 2017 (HOL) - War
laga siidaayay warbaahinta ku hadasha Afka Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay
in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilkii xalay
xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo loogu geystay xildhibaan C/xakiin
Jaamac Cilmi (Tima-faras).
Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in dilka kaddib ay dagaalyahanadooda u
suurtagashay in ay isaga baxsadaan xaafadda Calanley ee magalada Kismaayo.
Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa hawlgal ay xalay ka sameeyen magaalada
Kismaayo iyaga soo qabtay dhowr qof oo la tuhusan yahay, kuwaasi oo looga
shakisan yahay in ay wax ka ogaayeen dilka.
Wararka, ayaa sheegaya in xilligii la dilayay Xildhibaanka aysan la socon
wax ilaalo ah waxaana la toogtay xili uu la taagnaa Nin ay is garanayeen.
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa VOA u sheegay in qof ku labisnaa dareyska ciidamada dowladda ku
dhuftay xildhibaanka ilaa Afar xabadood
oo qoriga AK47ka ah.
Xidhibaankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland oo lagu toogtay gudaha
magaaalada Kismaayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]