4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2017
Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland oo caawa Kismaayo lagu dilay

 

Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa ku dishay magaalada Kismaayo xildhibaan C/xakiin Timo Faras oo ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland.

Weerarka lagu toogtay xildhibaanka ayaa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo waxaana goobta ka baxsaday kooxdii toogashada geystay.

Ciidamo ka tirsan nabad-sugida maamulka Jubbaland ayaa tagay halka uu weerarka ka dhacay, waxaana soconaya baaritaan la xiriira dilka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]