4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2017
Dibadbaxyo ka dhacay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

 

Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Dibadbax ballaaran oo ay ka qeybgallayaan dadweyne isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa waqtigan ka soconaya magaalada Muqdisho.

Garoonka kubadda cagta ee Banaadir waxaa hadda ka socdo dibadbax weyn, waxaana aad loo adkeeyay amniga, iyadoo halkaa ay ku sugan yihiin madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale dhallinyaro maryo gaduudan madaxa ku xirtay ayaa socod ku maraya jidadka magaalada Muqdisho, waxayna xirayeen xarumaha ganacsiga ee furan ayagoo dadka ka dabanaya in mudaaharaadka ka qeybgalaan.

Dhinaca gobollada, Magaalada Baydhabo waxaa isugu tagay kumannaan qof oo ku dhawaaqayay "Al-Shabaab doonimeyno," waxaana la hadlay maamulka magaalada.

Beledweyne ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo Al-shabaab laguna cambaareeynayay qaraxii Zoobe.

Sidoo kale magaalooyiin kale oo ay ka mid tahay Kismaayo ayeey isku soo baxyo ka dheceen, waxaana la arkayay dad u badan dhallinyaro oo maryo gaduudan madaxa ugu xiran yihiin oo socod ku maraya jidadka.

Qarixii ka dhacay Zoobe wuxuu ahaa midkii ugu xoogga badnaa ee sababay dhimashadii ugu badnayd. Sida dowladda ay shaacisay 281 qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 300 oo kalana way ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]