4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 18, 2017
Puntland oo Daawo iyo Dhakhaatiir caafimaad u dirtay Muqdisho

Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah gar-gaar isugu jira daawo iyo dhakhaatiir caafimaad u diray magaalada Muqdisho si looga jawaabo gurmad Qaran oo laga bilaabay guud ahaan Somalia.

Diyaarad khaas ah oo lagu soo guray agabyo caafimaad oo loogu tala-galay in lagula tacaalo xaalad-da caafimaad ee dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe ayaa maanta galinki hore ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland C/rixman Shiekh Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dawadan ay tahay afartan tan , isla markaana laga soo saaray kaydka dawooyinka ee wasaaradda caafimaadka ee Puntland.

Waxaa diyaarad-dan ay sidoo kale qaad-day  shaqaale caafimaad oo loogu tala-galay in ay ku biiraan dhakhaatiirta gurmadka caafimaad kawada magaalada Muqdisho , xilli Isbitaalada Muqdisho ay ka cabanayaan dawo yaraan.

Sidoo kale kulan balaaran oo ay isug yimaadeen maamulka gobolka Bari , ganacsato ,culumaa'udiin iyo qaybaha kale ee bulshada Puntland kana dhacay magaalada Bosaaso ayaa looga digay khatarta kooxaha xagjirka ah ,iyada oo goobta looga dhawaaqay gargaar la gaarsiinayo Muqdisho.

Waxaa kulanka lagu aruuriyay lacag 50,000  kor u dhaafaysa  ,taasi oo loogu tala-galay in loogu gurmado masiibada ka dhacday magaalada Muqdisho ,waxaana culumaa'diinkii ka soo qayb-galay ay dhaliil adag u jeediyeen dowladaha Khaliijka qaarkood oo aan ka jawaabin dhibaatada Muqdisho.

Ugu danbayn, Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho Sabtidii la soo dhaafay ayaa si isku wada mid ah u taabtay umad-da Somaaliyeed ,kuwaasi oo meel ay joogaan-ba muujiyay sida ay uga xun-yahiin Qaraxaasi oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 300 oo qof.

Faysal M. Hassan
[email protected]