3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2017
Dibadbax ballaaran oo ka socda magaalada Muqdisho Sawirro


Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Kumannaan dadweyne ah oo ka careysan qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo ruux ayaa maanta ka socda inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dadka ka qeybqaadanaya isku soo baxan ayaa ku qeylinaya erayo ay uga soo hor jeedaan wax ugu yeereen Xasuuqii Zoobe iyo Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maalintii shalay ugu baaqay dadka reer Muqdisho in ay isugu soo baxaan dibadbax Alle loogu barayayo dadkii ku dhintay qaraxa iyo kuwii ku dhaawacmay.

Didbadbax ayaa si gaar ah u saameeyey gabi ahaanba isku socodka dadka iyo gadiidka in badan oo ka mid ah jidadka Muqdisho oo loo diiday in ay gawaaradu is ticmaalaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]













Click here
10/18/2017 12:35 PM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa ku dishay magaalada Kismaayo xildhibaan C/xakiin Timo Faras oo ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland.

10/18/2017 10:43 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Dibadbax ballaaran oo ay ka qeybgallayaan dadweyne isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa waqtigan ka soconaya magaalada Muqdisho.

10/18/2017 8:36 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al Jazeera qeybtiisa Afka English-ka ayaa Al-shabaab ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen Qaraxii Zoobe ee galaaftay nolasha dadka badan oo Soomaali ah.

10/18/2017 7:01 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah gar-gaar isugu jira daawo iyo dhakhaatiir caafimaad u diray magaalada Muqdisho si looga jawaabo gurmad Qaran oo laga bilaabay guud ahaan Somalia.

10/18/2017 6:23 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) - Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa wax waba kama jiraan ka dhigtay mamnuucidii Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay muwaadiniinta 8 dal inay soo galaanMareykanka.

10/18/2017 5:41 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) - Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay ku geeriyooday dalka Hindiya, kaddib markii uu dhowaan halkaas loo geeyay arrimo caafimaad.

10/18/2017 5:23 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) -- Waxaa wali sii kordhaya dadaallada loogu gurmanayo dadkii ku wax yeeloobay qarixii14kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo ku jira isbitaalada magaalada Muqdisho.

10/18/2017 3:12 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Culumadiinka Gobolka Minnesota ayaa shalay galabnimadii shir Jaraaid ku qabtay qolka xafladaha ee masaajidka Umuttu Islaam ee magaaladda Minneapolis,culumadaan oo ka socday masaajida kala duwan ee Minnesota ayaa ujeedadoodu ay aheed in gargaar xoogle laga Aruuriyo Masaajida Minnesota si loogu gargaaro dadkii dhaibaatadu ka soo gaartay qaraxii magalaada Muqdisho 14 bishaan oo ay ku geeryoodeen dad ku dhow 300 oo qof.

10/18/2017 12:58 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelllaha Hoose ayaa sheegaya in gallinkii danbe ee Isniintii todobaadkan duqeyn cirka ah laga fuliyay meel ku dhaw deegaanka Barriire.

10/18/2017 12:49 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah in magaalada Muqdisho uu ka dhici doono dibadbax weyn oo ka qeyb qaadanayaan dadka reer Muqdisho

10/18/2017 12:41 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Maalmo murugo iyo baadigoob adag oo loo gallay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, hadda xaalku sidaa waa uu ka duwan yahay oo dadku waxaa ay u jiheysteen dib u dhis iyo goobta laga nadiifiyo bur burkii iy saameyntii uu ku reebay qaraxa.

10/18/2017 12:24 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Sarkaal sare oo ka tirsaneyd guddiga doorashada ee Kenya ayaa sheegtay in ay is casishay guddiga, iyaga oo dhinaca kalana shaki galisay in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

10/18/2017 12:14 AM EST
Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) - Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in qaraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.