4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2017
Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo gargaar gaarsiisay dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Zoobe


Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) -- Waxaa wali sii kordhaya dadaallada loogu gurmanayo dadkii ku wax yeeloobay qarixii 14kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo ku jira isbitaalada magaalada Muqdisho.

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa deeq isugu jirta Timir iyo Biyo waxaa ay u qeybisay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe iyo sidoo kale dadka wada ololaha nadaafadad goobtii falkaasi uu ka dhacay.

Isbitalka Banaadir oo ay ku jiraan Qaar kamid ah dhaawacyadii ka dhashay qaraxaasi,iyo bukaano kale oo horey halkaasi u jiifay ayaa si isku mid ah loogu qeybiyay deeqdan, sidi loogu kaabo noloshooda.

Agaasimaha maamulka Isbitalka Banaadir ayaa ka mahad celiyaya deeqdan isagoo codsaday in adeegyada kale ee caafimaad oo ay u baahan yihiin laga haqab tiro.

Intaasi kaddib ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka socotay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta waxaa ay tageen goobtii qaraxa uu ka dhacay halkaasi oo ay gaarsiyeen,deeq Timir iyo Biyo isugu jirta taasi oo loogu talagalay in lagu dhiiro geliyay dadka ka qeyb qaadanaya nadaafadda goobtaasi,kuwaasi oo isugu jira ciidamada xoogga dalka iyo qeybaha bulshada.

Jawaahir Barqab guddoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir iyo Saraakiil qeyb ka ah howlahaasi gurmadka ayaa sheegay in talaabadana ay muujinayso sida looga wada damqaday shacabka Soomaaliyeed.

“Runtii  aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaynaa dhamaan dadkii u sitaagay in ay ka qeyb qaatan howlahan gurmadka ah,waxaan uga mahadnaqaynaa hay’adda Bisha Cas sida gar gaarkani ay ina soo gaarsiisay markastana waxaa ay diyaar u tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahayd samatabixinta shacabka Soomaaliyeed,waxaan leenahay waad ku mahadsan tihiin.”,ayeey sheegeen mas’uuliyiinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]