4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 18, 2017
Culumodiinka Minnesota oo shalay Shir Jaraa'id u qabtay in la Gargaaro Dadka Qaraxa ku Waxyooloobay VIDEO

Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) -Culumadiinka gobolka Minnesota ayaa shalay galabnimadii shir Jaraaid ku qabtay qolka xafladaha ee masaajidka Umuttul Islam ee magaaladda Minneapolis,culumadaan oo ka socday masaajida kala duwan ee Minnesota ayaa ujeedadoodu ay aheed in gargaar xoogle laga aruuriyo masaajida Minnesota si loogu gargaaro dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii magalaada Muqdisho 14 bishaan oo ay ku geeryoodeen dad ku dhow 300 oo qof.

Shirkaan Jaraa;id oo culumaddu ay ka soo saareen 7 qodob ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey Sh. Xasan Maxamud Jaamici Imaamka Masjid Dacwo ee St Paul.


1-Waxaan ugu tacsiyeenaynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheledii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho maalintii Sabtida ee 14 ka bisha Oktoober.waxaan ilaahey uga baryeeynaa intii dhimatay inuu ilaahey u naxariisto inta dhaawaca ahana uu caafimaad deg deg ah siiyo.

2-Waxaan si adag u cambaaraynaynaa cidii ka danbaysay dhacadadaan murugada iyo xanuunka badan,waxa aan shaki ku jirin fal dembiyeedkaan in uu yahay mid ay xarimayso si buuxdan uga soo hor jeeda tacaaliimta diinteena suuban ee Islaamka.,waxaana sidoo kale uu ka soo hor jeedaa caqliga & dhaqanka suuban iyo bani aadanimada.

3-waxaa aan ku adkeynaynaa Dawlada Federaalka ee Soomaaliya in baaritaan deg deg ah ku samayso cidii ka danbeysay falkan waxushnimada ah sidoo kale ay la xisaabtanto cidii si uun ugu lug eh abaabulka ama fulinta fal dambiyeedkan iyadoo la kaashaneysto hay adaha barista caalamiga dhacadadaad oo kale ku taqaqusay.

4- Waxa aan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed meel kastaba ay joogaan in ay u midoobaan cadowgooda u gurmadaan walaalahooda dhibaatadu ku dhacady,ilaalyaan midnimada dhexdooda kana foogaadaan wax kasta oo keeni kara in shisheeye ama cadow uu ka dhex faa iideysto.waxa aan si gaar aha u bogaadineynaa dadka Soomaaliyeed ee taageerada iyo dareenka fiican u muujiyaya walaalahoodo dhibtu gaartay.

5-waxaan ugu baaqeynaa dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya kuwa carabta hey'adaha caalamiga ah iyo dhamaanba bulshada caalamka in ay kaalmo deg deg ah la gaaraan shacabka ay dhibaatadani ku dhacdey.

6- waxaan u mahad celinaynaa dhamaan dowladaha gurmadka u fidiyey dadka qaraxa ku waxyeeloobay si gaar ah waxaan ugu mahad cilineynaa dowladahii u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed sida Turkiga Jabuuti iyo Maraykanka.

7-Culummada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota waxaan go,aan ku gaarnay in Jimcaha soo socota oo ku beegan 20 ka bishan October aan olole dhaqaale aruurin  ka bilowno dhamaan masaajida ku yaala gobolka Minnesota Sidoo kale waxa aan samaynay barnaamijka GoFundMe oo ah mid lagu caawinayo dadka dhinaca Online-ka oo aan ugu talo galnay in lagu taakuleeyo dhamaan dadkii ku tabaaloobey fal dambiyeedkan.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis MN