4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2017
Duqeyn lagu bartilmaameedsaday Al-shabaab oo ka dhacday Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelllaha Hoose ayaa sheegaya in gallinkii danbe ee Isniintii todobaadkan duqeyn cirka ah laga fuliyay meel ku dhaw deegaanka Barriire.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeyntan lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsanaa Al-shabaab ku sugnaa Barriire.

Lama oga halka laga lahaa diyaaradaha duqeynta geystay laakiin marar badan oo hore waxaa duqeymo cirka ah ka fuliyay diyaaradaha Drones –ka dalka Mareykanka.

Toddobaadkii hore ayeey ahayd markii degaankaas ay ka soo baxeen ciidamada dawladda, waxaana dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka xoogagga Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]