4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2017
Dibadbax maanta la qorsheynayo in uu ka dhaco magaalada Muqdisho

 

Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah in magaalada Muqdisho uu ka dhici doono dibadbax weyn oo ka qeyb qaadanayaan dadka reer Muqdisho

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dhammaan reer Muqdisho looga baahan yahay in maanta ay isku soo baxaan, si dibadbaxa looga qeybgallo.

“Maanta waxaa jirta duco ama Tacsi ballaaran oo ka dhaceysa Muqdisho oo la isugu imaanayo Koonis Stadium, ilaa magaalada lagu socon doonaa, si looga dhiidhinayo dhibka dhacay,” ayuu yiri Guddoomiye Thaabid.

Guddoomiye Taabit ayaa intaa ku darray in maanta ay tahay maalintii loo midoobi lahaa, gumaadkii iyo xasuuqii dadka Muqdisho lagu sameeyay, islamarkaana ay muujin doonaan sida ay uga dhiidhiyeen.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Banaanbax uu ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon, halkaas oo boqolaal qof ay isugu soo baxeen, iyagoo ka careysan qaraxii dadka faraha badan lagu xasuuqay ee ka dhacay 14-kii October isgoyska Zoobe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]