4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2017
Dib u dhis ka bilaawday Isgoyska Zoobe kaddib qaraxii galaaftay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed


Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) – Maalmo murugo iyo baadigoob adag oo loo gallay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, hadda xaalku sidaa waa uu ka duwan yahay oo dadku waxaa ay u jiheysteen dib u dhis iyo goobta laga nadiifiyo bur burkii iy saameyntii uu ku reebay qaraxa.

Dhalinyaro iskood isku xilqaamay ayaa bilaabay in ay halkaa ka qaadaan dhagxyada, biraha iyo guud ahaanba bur burkii ka haray qaraxa si dib loogu soo celiyo xaalada sidii hore waddada loo fasaxo in la isticmaalo.

Ganacsatada qaarkood ayaa bilaabay in ay dib u dhisanaa dhismayaashii ku bur buray weerarkii ismiidaaminta ahaa iyadoo aad ku arkeyso shaqaale ku howlan dib u dhiska goobihii ganacsiga iyo hoteelladii halkaa ku burburay oo intooda badan u baahan in laga soo bilaabo meel Ebar ah.

Inkastoo laga yaabo in dib loo isticmaalo Isgoyska Zoobe haddana waxaa hubaal in marnaba uusan ka bixin doonin qalbiyada qoysas badan oo Soomaaliyeed oo halkaa ku waayay dadkii ay jeclaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]