4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2017
Qaraxii Zoobe oo la sheegay in loola Dan lahaa saldhiga militari ee Turkiga uu ka furay Muqdisho

 

Arbaco, October, 18, 2017 (HOL) - Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in qaraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in macluumaadka ay ururiyeen tan iyo inti uu qarraxa dhacay ay tilmaamayaan in hadafku uu ahaa in saldhiga milatari ee ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.

30-ki bishii September ayaa si rasmi ah xariga looga jaray saldhiga milatari ee Turkiga uu ka furay Muqdisho. Sida ay sheegtay Dowlada Turkiga, qorshaha ayaa ah in 200 oo sarkaal oo Turkish ah ay xerada ku tababari doonaan ilaa iyo 10,000 oo askari oo Soomaali ah.

Qaraxan oo oo lagu fuliyay gaari weyn oo kuwa xamuuka ah ayaa la sheegay in uu sii jiiray Barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda , islamarkaana ka hor inta uusan is qarxin ku dhacay gadiid ku sugnaa Isgoyska Banaadir, isaga oo u soo gudbay dhinaca Zoobe.

Saraakiil iyo xeel dheerayaal ayaa rumeysan in bartilmaameedka qaraxan uusan aheyn Isgoyska Zoobe, laakiin uu ku sii socday xarumo kale, balse qaraxan uu dhacay kaddib markii uu darawalku ka war helay in ciidamadu ku raad joogaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]