4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Xukuumadda Somaliland oo shacabka Soomaaliya ka tacsiyadaysay qaraxii dadka badan ku geeriyoodeen ee Muqdisho ka dhacay

 

Isniin, Octobar,16, 2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa shacabkii waxyeeladdu ka soo gaadhay qaraxii ka dhacay Muqdisho ka tacsiyadaysay eheladii iyo dadkii ku geeriyooday.

Sidoo kale, waxay xukuumada Somaliland eed usoo jeedisay masuul Soomaaliya ka tirsan oo bogiisa Twitter ku qoray qoraal uu ku sheegay in dhibaatooyinka Soomaaliya ku jira ay Somaliland ka dambayso.

“ Qarax naxdin leh oo aad u fool xun oo ay gaysteen dad aan cidna u naxayn halkaasi oo ay ku geerioodeen boqolaal qof, kuna dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sidaas darteed anigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii yo qaraabadii ay ka baxeen dadkaasi, mid taas la mid ahna waxaan u dirayaa madaxda iyo shicibka Soomaaliya, waxaan cambaaraynaaa falalkaas waxashnimadda leh cid kasta oo ka dambaysay”ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani.

Waxa kale oo uu Soomaaliya usoo jeediyey inay baadhitaan ku sameeyaan masuul wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ka tirsan oo hadalo eed ah usoo jeediyey Somaliland, waxaanu yidhi “waxa la yaab leh in qof masuul ah oo xil ka haya dawladda Muqdisho uu ku baahiyey Twitter-kiisa inay Somaliland ka dambaysay falalkaasi, anigu waxaan odhana lahaa ninkaasi laftiisa ayaa baadhis u baahan waayo waxa uu ku hadlayaa waa majaro habaab”

Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in sida dadka Muqdisho jooga uga naxaan waxa ka dhacaya Muqdisho si la mid ah uga naxayaan shacabka Somaliland.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi ayaa isna tacsi u diray shacabkii ku geeriyooday Muqdisho ee gacanta ka xaqdarani ku dishay, waxaanu yidhi “ waa masiibo weyn oo umadaasi ku dhacday waan ka tacsiyadaynayaa waan ka damqanayaa dhibaato kasta oo qof muslim ah iyo bani’aadam ah ku dhacdo, aad baan uga damqanayaa dhibaatada dhacday, ilaahay waxaan ka baryeyaa inuu dhibaatidaasi ka qaado gayiga nabad ku soo celiyo, inagana tusaale ayey inoo tahay waa inaynu ka fogaanaa khilaafka oo dhan, saddex boqol ayaa daqiiqad qudha ku nafwaayey iyo sadex boqol oo dhaawac ah, waa masiibo aduun ilaahay inaga ha inaga hayo iyagana ha ka nabadgalyo islaamka oo dhan ha ka nabadgaliyo”.

Magaaladda Muqdisho waxa ka dhacay qarax sahayday boqolaal qof oo ku naf waayey, kuwaas oo ilaa hadda qaarkood la raadinayo jaan iyo cidhib halkii ay ku dambeeyeen, halka qaarkood hilibkoodu googo’ay oo wajigoodda la garan waayey, taas oo ahayd masiibo qaran oo umada Soomaaliyeed oo dhan si weyn uga naxday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.