4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Mukhtaar Rooboow ‘’ Waa la garanayaa cidda waxan ka danbeysa, waxaan leeyahay ka jooga

 

Isniin, October, 16, 2017 (HOL) - Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gurmadka Qaran ayaa ku eedeeyay qaraxii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho in ay ka danbeeyaan kooxda Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab aysan sheegan mas’uuliyada Qaraxan.

Mukhtaar Rooboow ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii Ismiidaamin ah oo sida uu hadalka u dhigay meel aan ka waafaqsaneyn shareecada Islaamka.

‘’Waxa halka ka dhacay Diinna ma wafaaqsana, Caqliga fiyowna ma waafaqsan, xitaaa qof walaan sidan oo kale uma fikiro, marka Cidda ka danbeysa waa la yaqaanaa, waxaan leeyahay Towbada waa ay furan tahay Alle u soo noqda, Cidda aan ka hadlayo waa Al-shabaab’’ ayuu yiri Mukhtaar Rooboow.

Waxaa uu sheegay in muddo Toban sano ka hor arrimaha noocan oo kale ah kala doodeen hogaamiyayaasha Al-shabaab qaarkood, laakiin waxaa uu sheegay in aan laga aqbalin soo jeedintoodii aheyd in shacabka la nabad-galyo oo aan la baneysan dhiigooda iyo maalkooda.

‘’Annaga Toban sano ka hor ayaan kala hadalnay oo aan isku khilaafnay hogaamiyayaasha Al-shabaab in shacabka la nabadgalyo oo aan dhiigooda iyo maalkooda la baneysan, laakiin waa nalaga diiday’’ ayuu yiri Mukhtaar.

Mukhtaar Rooboow ayaa maanta dhiig ugu deeqay dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]