4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe oo dibeda loo qaaday Sawirro


Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Diyaarad militari oo laga leeyahay Turkiga ayaa goor dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho kuwaa oo dalka waxba looga qaban waayay xaaladooda caafimaad.

Dadka oo gadiidka gurmad deg deg ah looga qaaday isbitaallada Muqdisho ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dhab ahaan lama oga tirada rasmiga ah ee dhaawacyada la qaaday, balse waxaa la filayaa in ay gaarayaan ku dhawaad 40 ruux.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in dhaawacyo kale la qaado, iyadoo gurmadka uu yahay mid aan kala go’ laheyn.

Wasiirka caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa saaka soo gaaray Muqdisho, si ay u caawiyaan dadka ku dhaawacmay qaraxa. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]