4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay booqday goobtii uu qaraxa ka dhacay ee Isgoyska Zoobe


Isniin, October, 16, 2017 (HOL) -- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa xalay kormeer ku tagey goobtii uu ka dhacay qaraxii galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali ah magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa goobtaasi kula hadlay ciidamada dowladda oo ka qayb qaatay gurmadkii loo sameeyay dadkii ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahad celiyey ciidamada sida dhiiran oo ay u caawiyeen shacabka, sidaa daraadeed aysan marnaba dowladda u hilmaami doonin doorkooda ku aadan gurmadka loo sameynayo dadka ay wax yeelladu soo gaartay.

Dhinaca kale ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Shacabka reer Muqdisho, ayaa waxaa lagu ammaanay in ay si weyn uga falceliyen baaqii ahaa, in loo gurmado dhibane-yaasha, isla-markaana ay dhiigoodu u yaboohaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]