4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Dowladda Turkiga oo gurmad caafimaad u fidineysa dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe

 

Isniin, October, 16, 2017 (HOL) –Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaarto diyaarad caafimaad oo dowladda Turkiga u soo dirtay in lagu qaado dadka qaba dhaawacyada culus ee wax looga qaban waayay gudaha dalka ee wax yeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Sabtidii Isgoyska Zoobe.

Wasiirka wasaarada warfaafintan xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in dowladda Turkiga noqotay dowladdii ugu horeysay ee ka jawaabta gurmadka loo fidinayo dadka shacabka ah ee wax yeeladu ka soo gaartay qaraxii cuslaa ee caasimada ka dhacay.

Waxaa uu sheegay in qorshuhu yahay in saakay laga qaado magaalada Muqdisho ilaa 40 qof oo qaba dhaawacyo culus oo dalka wax looga qaban waayay, sidoo kalana ay jiri doonaan dulimaadyo kale oo lagu qaadi doono dadka qaba dhaawacyada culus ee wali ku jira isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho soo gaaraan koox dhaqaatiir Turki ah oo uu horkacayo wasiirka caafimaadka Turkiga kuwaa oo gacan ka geysan doona daweynta dadka dhaawacyada ah ee ku jira isbitaallada Muqdisho.

Waxaa jira dowladda ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo balanqaaday in ay u fidin doonaan dadka wax yeeladu ka soo gaartay qaraxa gurmad caafimaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]