4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2017
Meydadka 220 ruux oo ku dhimatay qaraxii shalay oo la dhigay isbitaalka Madiina

 

Axad, October, 15, 2017 (HOL) - Inkastoo dowladda federaalka aysan wali soo saarin tirkoobka rasmiga ah dadkii ku dhintay qaraxii maalintii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa haddana dhinaca kale qaar ka mid ah Agaasimayaasha goobaha caafimaadka waxaa ay xaqiijinayaan tirada rasmiga meydadka la soo gaarsiiyay goobahooda caafimaadka.

Ku-xigeenka koowaad ee gollaha Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed [Abshir Boqaari] ayaa sheegay in Agaasimaha Isbitaalka Maxamed Yuusuf uu u sheegay in isbitaalka Madiina oo kaliya la dhigay meydadka dad gaaraya 220 ruux.

‘’Agaasimaha isbitaalka Madiina waxaa uu inoo sheegay in la gaarsiiyay isbitaalka meydadka 220 ruux oo ku dhawaad 130 ka mid ah ay adag tahay in la aqoonsado muuqaalkooda’’ ayuu yiri Abshir Buqaari.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay jiraan meydad kale oo la dhigay isbitaalada Muqdisho sida isbitaalka Digfeer oo ka mid ah goobaha caafimaadka ee lagu dabiibayo dadka ku dhaawacmay qarxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay xaqiijinta tirkoobka saxda dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qarxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]