4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2017
Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay hogaamiyeyaasha saddexda xisbi ee Somaliland

 

Axad, Octobar,15 2017 (HOL) –Ra’isal wasaaraha Itoobiya ha Hailemariam Desalegn ayaa kulamo gaargaar ah la yeeshay saddexda musharaxiin ee saddexda xisbi ee Somaliland.

Dawladda Itoobiya ayaa marti qaadyo gaar gaar ah usoo dirtay saddexda hogaamiye ee xisbiyadda Somaliland uga qaybgalaya doorashada soo socota ee November 13,keedda lagu waddo inay ka dhacdo Somaliland.

Dawladda Itoobiya si toos ah ugama hadal ujeedda ay kulamada gaargaarka ah ula yeelatay saddexda musharax ee saddexda xisbi ee Somaliland ka jirta, haseyeeshee dadka odorosa arrimaha siyaasadda ayaa kulamadaasi ku tilmaamay mid Itoobiya kaga hadlaysay arrimaha amniga iyo doorashadda soo socota in aanay amni daro abuurin, maadaama oo Itoobiya xuduud dheer wadaagaan oo aanay Itoobiya ogolayn in nabadgalyo daro ka dhacdo Somaliland.

 

Sidoo kale, Itoobiya lafteeda waxa jira kacdoono dhexdeeda ka jira maadaama oo qoomiyada Oromo kacsan tahay, isla markaana ay yareeyeen wax soo saarkii deegaankaasi soo saari jireen sida Khudaartii, Bunkii iyo Jaadkiiba, taas oo dhaqaale badan ka heli jirtay Itoobiya.

Dawladda Itoobiya ayaa dareen gaar ah ka qabta doorashada soo socota ee Somaliland ka dhici doonto, waxaanay wararku sheegayaan in mushariinta xisbiyadda ee doorashada ka qaybgalaysa kula dardaraysa inay aqbalaan doorashadda isla markaana aanay abuurin nabadgalyo daro taas oo saamayn ku yeelan karta dalalka jaarka oo Itoobiya ugu horeyso.

Saddexda musharax ee saddexda ayaa markii ay soo laabta warbaahinta usheegay inay Itoobiya ka wada hadlayeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo sidii iskaashi u wada yeelan lahaayeen.

 

Doorashadda Somaliland ee soo socota ayaa noqonaysa doorashaddii ugu xasaasisanayd ee Somaliland soo marta, waxaana loolanka ugu adag dhex marayaa labadda xisbi ee WADANI iyo Kulmiye, oo labadooda musharax mid waliba dibadda joogo, halka madaxweyne Siilaanyo sheegay in uu isagu dhex u noqonayo doorashada oo uu doonayo inay doorasho wanaagsan oo xor oo xalaal ahi dalka ka dhacdo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland