4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2017
Madaxweynaha Hirshabelle oo Tacsi u Diray dadkii ku Geeriyooday Qarax-yadii Muqdisho

Axad, October, 15, 2017 (HOL) - War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi tiiraanyo leh loogu Diray ehelada,Asxaabta, qaraabada, iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho taasi oo ay ku nafwaayeen tiro shacab ah.

Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa sheegay in mar walbo looga baahanyahay  Dowlad Federaalka iyo Maamul Goboleedyada in ay muujiyaan midnimo meelna uga soo wada jeestaan Cadowgani maalin walba  caadeystay leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in Gurmad ay u fidiyaan walaalaha Ku waxyeeloobay weerarkaasi arxan darada ah.

Ugu danbayn, goobta uu qaraxa ka dhacay maanta waxaa booqday madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ,kaasi oo dhiig u shubay dadka ku waxyeeloobay qaraxa oo ahaa mid culus oo sidoo kale ay dad badani ku dhaawacmeen.  

Mustaf Hussien  
[email protected]