4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2017
Qaramada Midoobey oo cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe magaalada Muqdisho

 

Axad, October, 15, 2017 (HOL) – Qaramada Midoobey ayaa cambaareyn kulul u jeedisay Qaraxii galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali ah oo maalintii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Micheal Keatig Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid Argagax lahaa oo siweyn looga xumaado, kaasoo sida uu hadalka u dhigay lagu baabi’iyay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay  khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu yiri Keating.

Sidoo kale Qaraxan waxaa cambaareeyay dowladdaha Turkiga iyo Mareykanka oo qoraalo ka soo baxay ku sheegay in ay siweyn uga xun yihiin wixii shalay ka dhacay caasimada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]