4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2017
Inta badan jidadka iyo goobaha ganacsiga magaalada Muqdisho oo maanta xiran

 

Axad, October, 15, 2017 (HOL) – Waxaa saakay inta badan xiran jidadka muhiimka ah ee caasimada iyo goobaha ganacsiga, waxaana soconaya gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa meelo badan ka xiran, laga soo bilaabo Isgoyska Sayidka illaa KM4, sidoo kale wadada Wadnaha ayaa meelo ka mid ah ka xiran.

Waxaa sidoo kale xiran WaddadaWadnaha meelo qaar dadka loo diidayaa in ay maraan, iyadoo Isgoysyada wadadaas ciidamo fara badan ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka inay dadweynaha u furaan waddooyinka, si ay uga qeyb qaataan gurmadka..

Dadweynaha ayaa socod ku maraya waddooyinka xiran, mana jiro wax gaadiid ah oo shaqeynaya, waxaana muuqaalka magaalada uu ka duwan yahay sidii ay aheyd maalmihii la soo dhaafay.

Boqolaal qof oo eheladooda raadinaya ayaa buux dhaafiyay Isbitaalada iyo halkii qaraxa ka dhacay, waxaana jira dad wali lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Dadka shacab ah ayaa intooda badan maanta mashquul ku ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka ay wax yeeladu soo gaartay.

Dad badan oo doonaya in ay dhiig ku deeqaan ayaa Hiiraan Online u sheegay in waayeen meel ay ka gallaan isbitaallada oo ay dadku buux dhaafiyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]