Axad, October, 15, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo
baroor diiq qaran ah oo ku aadan musiibadii shalay ka dhacday Isgoyska Zoobe, halkaasoo gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo
buuxiyay uu ku qarxay.
Madaxweyne Farmaajo oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay Xarunta
Madaxtooyada ayaa ka tacsiyadeeyay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku naf
waayay qaraxyadaas, isagoo alle uga baryay in jannadii Fardowso ka waraabiyo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkan lala beegsaday dad aan waxba
galabsan oo ku mashquulsanaa nolol maalmeedkooda caadiga, isagoo ku eedeeyay in
Al-Shabaab inay weerarkan la beegsadeen shacab aan la waxba galabsan, oo ka
turjumaya cadaawada ay u qabaan guud ahaan shacabka.
“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba
galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq
qaran ah, calankana hoos loo dhigo”ayuu yiir Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in
ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay
qaraxa, gaar ahaan dadka dhaawaca ah ee jiifa
Hosbitaalada.
“Qaraxyadaan waxaa lala bartilmaamsaday waddooyinka ugu mashquulka
badan caasumadda, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo
muujinaysa inta ay le egtahay cadaawadda ay u qabaan shacabka
Soomaaliyeed, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada
jirkeena.”ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay jawaab cad ka keenaan qaraxan, isla markaana
ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka muwaadiniinta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]