4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2017
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Bilaabay Olole dadka Qaraxa ku waxyeeloobay Dhiig-ga loogu Shubayo, dalbadayna Gurmad


Sabti, October, 14, 2017 (HOL)–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo tagay halka uu ka dhacay Qaraxii xoogaana ee gil-gilay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wixii dhacay ku tilmaamay musiibo, isagoo dalbaday in si deg ah loo soo gaaro dadka waxyeelada gaartay.

" Intii dhimatay Alla Ha'unaxariisto, laakiin dadka somaaliyeed gaar ahaan dadka Muqdisho ku nool waxaan ka dalbanaya qof walbo in uu soo gaaro meeshan oo kaalin ka qaato, gurmad deg deg ah baa loo baahanyahay, wax alla waxaa itaal iyo agab heynay waa isugu keenay.

Waxaan codsaneynaa Hay'addaha amnigana waa in dariiqa lagu dhibin, cid walba oo maanta haysata baale ama cagacagaf ama dab damis waa in ay meeshan soo gaaraan, qofkasto awood leh ama dhakhtar ah meeshan ha soo gaaro.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale bilaabay olole balaaran oo dad weynaha magaalada ay ka qayb-galayaan ,kaasi oo dhiig loogu shubayo shacabka ku waxyeeloobay qaraxa ka dhacay magaalada.

Waxaa ka dhacay Masiibo, dad ayaa ku jira Dhisme Hoostiis Fadlan qofkasta ha nasoo gaaro". ayuu yiri gudoomiyaha oo dadweynaha kala hadlay baraha bulshada.

Ugu danbayn, Qaraxan ayaa ilaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay tiro gaaraysa sodomeeyo ,waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan ,waxaana lala beegsaday Isgoyska Soobe oo la sheegay in dadweyne badan ay ku sugnaayeen.

Mustafe Husein
[email protected]