4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2017
Qarax weyn oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Qaraxan oo ahaa mid siweyn looga dareemay caasimada ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wali si rasmi ah looma oga halka bartilmaameedu ahaa , waxaana soconaya gurmad xoogan oo loo fidinayo dad ay wax yeeladu soo gaartay.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dhimashada qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]