4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2017
Ciidamada Soomaaliland oo qabtay dad lagu tuhusan yahay in ay gadiid gubeen

 

Sabti, Octobar,14, 2017 (HOL)- Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Sare, Faysal Xiis Cilmi, ayaa shaaciyay inay sagaal eedaysane ay u hayaan afar bas oo dhawaan lagu gubay magaalada Hargeysa oo la garan waayey cid gubtay, iyadoo gubanaya uun la arkay.

Ciidamada booliska ayaa baadhitaan ku waday cidda ka dambaysay inay Basaskaasi rakaabka qaada loo gubay, waxaanay sheegtay in sagaal qof loo xidhay Basaaskaasi la gubay.

Afhayeenka ciidanka boolisku wuxuu caddeeyay in eedaysanayeyaasha qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo dambiga loo haysto gacanta kula jira.

“Beryahan danbe waxaad la socoteen in gaadiidka dadweynuhu ay raacaan ee basaska la gubay, falkan oo ah mid ugub ku ah Somaliland, taliska ciidanka boolisku wuxuu amar adag ku bixiyay in dadkii falkan gubista gaadiidka geystay si adag loo baadho. Nasiib wanaag ciidammada boolisku waxay xalay gacanta ku soo dhigeen sagaal eedeysane oo qaarkood lagu hayo iyaga oo gaadiidkii gubaya, gacantana ku sita qalabkii ay u adeegsanayeen gubista gaadiidka dabkiina ku qabtay ayay ciidammada boolisku gacanta ku soo dhigeen faahfaahinta baadhitaanka kiiskanna ka hor dhici maayo,”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka booliska Faysal Xiis.

Waxa kaloo uu intaas ku daray ; “Waxaanu bulshada u sheegaynaa in ciddii falalka noocaasi ah lagu soo qabtay in ciqaab aad u culus la marin doono, oo aanay boolisku marnaba u dulqaadan doonin. waayo waa dad duulan ku ah ganacsiga iyo nabadgelyadaba.”

“Bulshada Somaliland waxaan leeyahay sidii aad awalba noola shaqeyneyseen noola shaqeeya. Waxaan mahad aad u ballaadhan ayaanu idiin haynaa ciidan ahaan, waxaa loo baahan yahay in wixii falalka noocan oo kale ah sameynaya aad gacan nagu siisaan sidii gacanta loogu qaban lahaa. ciidanka booliska Somaliland-na meel kasta oo uu joogo waxa uu heegan ugu jiraa sugida amniga.”

Dhowaan bay ahayd markii dhawr Bas oo dabqabsaday la arkay iyadoo la garan waayey cid gubtay iyo sabab loo gubay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.