4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2017
Faysal Cali Waraabe oo ka digay saldhiga Turkiga uu ka dhisanayo Soomaaliya

 

Sabti, Octobar,14, 2017 (HOL)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay saldhiga Militari ee Turkigu ka dhistay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya, waxaanay sheegay in saldhigaasi khatar ku yahay geeska afrika.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidaas ka sheegay mar uu maanta ka soo degay madaarka Hargeysa, isagoo ka soo laabtay safar uu ku tagay Kenya iyo itoobiya.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in beesha caalamka u xaqiijiyey in uu ku qanci doonno natiijadda ay soo saaraan guddida doorashooyinka qaranka,isla markaana taageeri doonno.

“Waxaan kala hadalnay in aanu aad iyo aad uga warwarsanahay ciidamada uu u dhisayo Turkiga Soomaaliya,waxaana kala hadalnay in aan cunaqabataynta Soomaaliya ee hubka laga qaadin, taas oo khatar ku keeni karta geeska afrika, oo anagana nagu kalifi karta in aanu wax kasta iska dhigno oo aanu hub iibsanno oo ka hor tagno in uu mar dambe xasuuq nagu dhaco”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey kulan uu la yeeshay Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo uu casuumad ka helay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in uu Itoobiya kala hadlay sidii waddada Dekadda Berbera iyo Itoobiya u dhexeysa loo samayn lahaa iyo sidii loo balaadhandhahaa ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya, waxa kale oo uu tilmaamay in Tamarta laydhka ee dabiiciga ah ee Itoobiya Isticmaasho sidii loo soo gaadhsiin lahaa Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.