4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2017
Xarrakada Al-shabaab oo dib ula wareegtay deegaanka Barriire

 

Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Xoogagga Al-shabaab ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha kaddib markii ay halkaa isaga baxeen ciidamadii dowladda.

Lama og ilaa iyo hadda sababaha keenay in ciidamada militariga dowladda Soomaaliya isaga baxaan saldhigii ay ka deganaayeen Barriire, sidoo kalana ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya

Inta uusan xilka baneyn Khamiistii taliyihii militariga ciidamada dowladda Soomaaliya Jen Axmed Jicmaale Cirfiid waxaa uu booqday deegaanka Barriire si uu ugu kuurgalo xaaladda ciidammada halkaas saldhigga ku leh.

Ururka Al-Shabaab ayaa weerrar uu dabayaaqadii bishii hore ku qaaday isla saldhiggaas waxa uu xilligaas ku sheegtay inay ku dileen in ka badan 90 askari oo ka mid ahaa ciidamada dowladda Soomaaliya ee Bariire.

La wareegida Al-shabaab ee Barriire ayaa imaneysa xili Khamiistii todobaadkii hore xilalkii iska casileen wasiirkii gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya iyo taliyaha militariga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]