4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2017
Shan Ardey ah oo lagu toogtay Iskuul ku yaala dalka Kenya

 

Sabti, October, 14, 2017 (HOL) -- Shan arday iyo nin waardiye ahaa ayaa toogasho lagu dilay iskuul ku yaal meel u dhaw xadka Kenya ay la wadaagto Koonfurta Suudaan sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dalka Kenya.

Kooxaha weerarka geystay ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca Koonfurta Suudaan.

Wararka ayaa intaa ku darray in dhinaca kale Kufsi loo geystay Gabdho ku sugnaa Iskuulka Weerarka lagu qaaday.

Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa ku warramaysa in weerrarka Ardayda iyo ninkaas lagu dilay uu dhacay arooryadii hore ee saakay.

Labo cisho ka hor ayeey aheyd markii koox hubeysan ay toogasho ku dileen shaqaalaha Jaamacadda farsamada ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]