4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 14, 2017
Xildhibaannada gollaha shacabka Soomaaliya oo maanta kulmaya

 

Sabti, October, 14, 2017 (HOL) – Xildhibaannada gollaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay manta yeeshaan fadhigoodii caadiga ahaa kaa looga hadli doono qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin heshiisyo dowladdu gashay.

Gaar ahaan Xildhibaannada ayaa kulankooda maanta oo Sabti ah uga hadli doona heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista ee dowladdaha Soomaaliya iyo Hindiya.

Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa lagu waddaa in ay cod u qaadaan heshiiskaasi oo ay gashay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Golaha Shacabka waxaa horyaalla Sharciyo ay soo gudbiyeen Golaha Wasiiradda oo lagu doonaayo in ay meelmariyaan , waxaana ka mid ah Sharciga la dagaallanka Musuqmaasuqa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]