4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2017
Wasiir Oomaar ‘’ Dhismayaasha UN–ka Carqalad ayeey ku noqdeen howlaha garoonka diyaaradaha

 

Jimco, October, 13, 2017 (HOL) – Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada xukuumada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dhimayaasha hay’addaha UNka ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha caqabad ku yihiin howlaha ka socda garoonka.

Wasiirka ayaa sheegay in hay’addaha UN-ka in ay u degan yihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, sababo amni darteed, hasse ahaatee dhinaca kale marka la eego caqabad ku noqdeen balaarinta iyo howlaha kale ee ka socda, muhiimna ay tahay in arrimahaasi wax laga qabto.

‘’Lama ogolaan doono in leysku sii degenaado Agagaarka Garoonka Diyaaradaha, waxaana socda wada hadal la xiriira sidii ay halkaa uga guri lahaayeen hay’addaha degan’’ ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay warbaahinta dowladda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay si garoonka looga dhigo Garoon caalami ah muhiim ay tahay in dib u habeyn lagu sameeyo, lagana fogeeyo dhismayaasha ku dhaw dhaw, waqtina loo qabtay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha ugu xoogan badan uu ka soo gallo dowladda ayaa waayadii ugu danbeeyayba waxaa ka socdy howlo dib dhis iyo dib u habeyn isugu jira waxaana la qorsheynayaan in garoonku si rasmi ah u bilaabo duulimaadyada xiliyada habeenkii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]