4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2017
Xukumadda federaalka oo sheegtay in ay xoojineyso xiriirka kala dhaxeeya maamul gobolleedyada

 

Jimco, October, 13, 2017 (HOL) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay baaqii Madaxweyne Farmaajo ee midnimada iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah ee heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed.

Xukuumadda ayaa sheegtay in ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta dawlad goboleedyada, islamarkaana qosheynayaan in ay sii socdaan shirarka gollaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay ku yeelanayaan xarumaha dowlad gobolleedyada.

13kii July 2017 ayeey aheyd markii gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya kulankoodii caadiga ahaa ku yeesheen magaaalada Kismaayo, hasse ahaatee maamulka Koonfur galbeed uu dib u dhigay kulan qorshuhu ahaa in gollaha wasiirada Soomaaliya isugu tagan magaalada Baydhabo.

Wasiirka wasaarada warfaafintan Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in baaqii ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ayuu sheegay in Golaha Wasiirada ay soo dhoweeyeen.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ka soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob, iyaga oo muujiyay tabashada ay ka qabaan Xukuumadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]