4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2017
Shariif Xassan ‘’ Qorshe ayaa socda Al-shabaab looga saarayo deegaannada Koonfur Galbeed

 

Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Madaxweynaha maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay iska kaashanayan dowladda dhexe, Koonfur Galbeed, AMISOM oo ku saabsan sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan deegaannada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada dowladda federaaka iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed iyo AMISOM ayuu sheegay Shariif Xassan ay diyaarinayaan qorashayaal ku aadan sidii Al-shabaab ay dalka uga saari lahaayeen.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay madaxdii maamul Goboleedyada ee isugu tagtay magaalada Kismaayo in ay isla garteen sidii dagaal mideysan loola geli lahaa Shabaab.

Mar uu soo hadal qaaday howlgalka AMISOM, wuxuuna sheegay in aan weli la gaarin xilligii AMISOM ay dalka ka bixi lahaayeen, maadaama weli uu dhiman yahay dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Dedgaanada u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa la sheegaa in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo inta badan wadada u gala Gaadiidka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]