Faah faahin ku saabsan is rasaaseyn khasaare sababtay oo xalay ka dhacday degmada Dherkeenley
Jimco, October, 13, 2017 (HOL)- Ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya
ayaa xalay is rasaaseyn waxaa ay ku dhexmartay degmada Dharekeynley ee gobolka
Banaadir.
Is rasaaseyntan ayaa waxaa ay u dhaxeysay ciidamada xasilinta iyo ciidamo kale
oo galbinayay Gaadiid Aroos lagu waday, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor
imaad kooban, oo khasaare geystay.
Iska hor imaadkan ayaa yimid kaddib markii ciidanka Xasilinta oo halkaasi
Howlgal ka waday ay ku amreen Ciidamada Arooska galbinayay in la baarayo
gaadiidka ay wataan, si ammaanka loo xaqiijiyo, kadibna ay ka dhega adeegeen
raggii hubeysnaa, sidaasina ay ku bilaabatay is rasaaseynta.
Inta la ogyahay laba qof oo uu ka mid yahay wiilka Arooska ayaa dhaawac
uu soo gaaray, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaad, sida ay xaqiijiyeen
dadka degaanka.
Ciidanka xasilinta oo xalay howlgal ka waday degmada Dharkeynley ayaa soo
qab qabtay boqolaal dad ah, oo u badan dhalinyaro, waxaana dhacdadan aad u
hadal hayaa shacabka ku nool degmadaasi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]