4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2017
Ciidamada xasilinta oo howlgal ballaaran ka sameeyay duleedka magaalada Muqdisho

 

Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xalay Howlgal gaar ah waxaa ay ka sameeyeen xaafaddaha ku teedsan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada oo Howlgalkooda uu qaatay saacado badan ayaa waxa ay si gaar ah uga wadeen agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, halkaasi oo habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunow Aadan oo ahaa nin ka tirsanaa Ergadii magaalada Baydhabo ku soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Dadka xaafaddaha howlgalkan laga sameeyay ayaa sheegay in ay ka war heleen ciidamado aad u hubeysan oo bilaabay howlgal guri-guri ah iyo baaritanno xoogan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo qeyb ka ahaa howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen guryo bartilmaameyd ahaa, waxaana lagu soo qab qabtay dhalinayaro fara badan.

Howlgaladan ayuu sarkaaku sheegy in ay qeyb ka yihiin tallaabooyinka lagu sugayo amniga dhinaca kalana looga hortago kooxaha dilalka geysta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]