4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2017
Guddiga doorashada Kenya oo sheegay in doorashada la qabanayo

 

Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Guddiga Doorashada ee dalka Kenya ayaa waxay shaaca ka qaadeen in doorashada loo balansan yahay in ay dalka ka dhacdo 26 bishan ay sii socon doonto,iyada oo ay jirto in Raila Odinga uu tartanka isaga baxay.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in dhamaan 8 musharax ee ka qayb galay doorashadii August ee ay laashay maxkamadda ugu sareysa dalka loo ogolaanayo in ay ka qayb galaan doorashada ku celiska ah .

Ku dhawaaqida arrintan ayaa waxaa ay soo afjaraysaa 24 saac oo jahwareer uu ka dhashay ka laabashadii uu hogaamiyaha mucaaradka NASA Raila Odinga uu ka laabtay ka qayb galka tartanka doorashada ku celiska ah.

Guddiga doorashada ayaa waxay sheegeen in Raila Odinga uu u soo qoray warqada uu ku caddeynayo in uu tartanka doorashada ku celiska isaga baxay balse aysan taasi ahayn mid ku filan.

Waxa ay sheegeen guddiga in ay jiraan foomam ay tahay in uu saxiixo si sharciyan loo aqbalo in uu tartanka ka haray.

Go’aanka Odinga ayaa waxa uu keeni lahaa in madaxwayne Kenyatta oo kali ah uu tartanka ka qayb galo balse hadda arrintasi way is badashay.

Guddiga waxay sheegeen in 6 musharax ee kale ee doorashadii hore ka qayb galay ay imika doorashada ku celiska ah ka qaybgali karaan.

Hogaamiyayaasha mucaaradka Kenya ayaa waxay horey ugu baaqeen in isbadal lagu sameeyo guddiga doorashada ee hadda jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]