4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre’’ Qofna ka ogolaan meyno dhaliil dalka lagu duminayo

 

Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaradaha xukuumada Soomaaliya oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusiyay maalinta calanka ayaa si kulul uga hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka.

Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaaraha in Umadda Soomaaliyeed ay u bidhaantay rajo iyo iftiin muddo dheer ay sugayeen sidaa daraadeed qofna laga yeeli doonin sida uu hadalka u dhigay in uu baabiyo rajadaa ay qabaan shacabka.

“Waxaa muhiim ah in aan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminay, dhaliil ujeeddo gaar ah leh oo lagu fushanayo dano qaas ah in lagu dumiyo iftiinka nolosha ee hada u soo if baxay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Waxaa uu sheegay in ay dhamaatay waqtigii ay madaxda niyad jabi jiraan ama in buuq siyaasadeed inta furmo ay Madaxda albaabada soo xiran jireen.

“Waa dhamaatay waqtigii la niyad jabi jiray, madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwaas, maalmo ayaa la qeylinaya ama buuq siyaasadeed ayaa la furayaa waxaa idin balan-qaadayaa in aan idinla mari doono illaa meesha ugu dambeysa”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, isla markaana aysan gadaal u noqon doonin.

“Soomaaliya horay ayay u socotaa, gadaal uma noqoneysa, Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah anaga ujeedna oo idin soo aragnay dhulka barwaaqada aan u socono”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajeysa culeys siyaasadeed oo uga imanaya maamul gobolleedyada dalka, iyadoo shirkii Madaxda maamul goboleedyada ee maanta lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo farriimo adag loogu diray qaabka Xukuumadda u maareyneyso xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]