4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2017
Maxkamad-da Ontario oo Dhagayastay Codad Taleefan oo dhex-maray Cali Cumar Adeer iyo Hooyada Amanda Lindhout oo Afduub loo haystay



Lorinda Stewart iyo Gabadheeda Amanda Linout.



Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) –Waxaa maanta asbuucii labaad gashay dacwad-da loo haysto Cali Cumar Adeer oo tarjumaan u ahaa koox burcad badeed ah oo sanadkii 2008-dii afduubtay gabar wariye ah oo u dhalatay Canada laguna magacaabo Amanda Lindhout.

Maxkamad-da dhagaysanaysay dacwad-dan ayaa waxaa la keenay hooyada dhashay gabadha oo lagu magacaabo Lorinda Stewart ,iyada oo goobta lagu dhagaystay taleefan-no dhex-maray iyada iyo Adeer xiligii Amanda ay ku jirtay gacanta kooxaha burcad badeed-da ah.

Mrs Stwart ayaa mid kamid ah wada-hadaladii dhex-maray iyada iyo Adeer ku calaacashay in aysan awoodin lacagta madax furashada ah oo gaaraysay 2 milyan oo dollar , isla markaana ay dhamaan iibiyeen wixii hanta ay haysteen.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay tarjumaanka in uu isticmaalayay erayga “Anaga”  taasi oo sida maxkamad-da laga sheegay loo fasarin karo in uu ka tirsana kooxda burcad-da ah ,inkastoo uu arintaasi beeniyay.

Codadkii maxkamadda lagu soo bandhigay waxaa kamid ahaa mid dhacay shantii bishii sagaalaad ee sanadkii 2009-ka ,kaasi oo eedaysane Cali uu ku sheegayo in ay khasab tahay in la bixiyo lacagta labada milyan ah ,hadii kale ay halis ku jirto nolosha labada qof ee afduuban.

Waxaa kooxda ay sidoo kale gacanta ku hayeen Nigel Brennan oo ahaa sawir  qaade u dhashay dalka Australia oo ay wada socdeen Amanda , waxaana goobta lagu soo bandhigay cod uu ku sheegayo in qof kasta goonidiisa looga doonayo hal Milyan.

Hooyada Amanda dhashay ayaa codkeeda waxaa ku jiray in ay kaliya hayaan lacag gaaraysa 434,000 oo dollar ,taasi oo si qaaraan ahaan ah looga soo aruuriyay qoyska Amanda iyo qoyska sawir qaade Brennan.

Waxaa dhagaysigi maanta goob joog ahaa qareenada labada dhinac ,waxaana la dhagaysanayay qoyska Amanda oo kaliya ,inkastoo gabadha wariyaha ah ay maalin ka hor  maxkamad-da ka sheegtay in Cali uusan wax dhibaato ah u gaysan intii ay xirnayd.

Sidoo kale waxaa maxkmad-da lagu soo bandhigay taleefan dhex-maray gabadha iyo hooyadeed ,kaasi oo Amanda ay uga dalbanayso hooyadeed in aan hantidooda la xaraashin , isla markaana lacagta madax furashada ah ay dowladda Canada  bixiso.

Ugu danbayn, Afduubka labada wariye loo gaystay ayaa dhacay bishii Agoosto sanadkii 2008-da ,waxaana loo soo daayay bishii 11-aad ee sanadkii 2009-ka ,mana jirto wax go’aan ah oo laga gaaray dacwadan oo sii socon doonta ilaa iyo dhamaadka asbuucan.

Faysal M. Hassan
[email protected]