4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 11, 2017
UNICEF oo sheegtay in cudurka Daacuunka uu ku badanayo dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

 

Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – In ka badan 1,550 qof ayaa u dhintay cudurka Daacuunka ee ka dillaacay gobollada Bariga iyo Koonfureed tan iyo bilowgii sanadkan, sida laga soo xigtay Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF).

Dalalka cudurkan uu aadka u saameeyay ayaa lagu sheegay Angola, Burundi, Kenya, Malawi, Mozambique, Rwanda, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Zambiya iyo Zimbabwe.

Hay’adda UNICEF ayaa walaac ka muujisay nolosha 25,000 oo haatan la liita xanuunno, waxayna intaa ku dartay inay xaaladda ka sii dari karto tan iyo dabayaaqada Bisha December ee soo socota.

Afhayeen u hadlay UNICEF ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la gaarsiiyo biyo nadiif ah, adeegyada nadaafadda aasaasiga u ah iyo dawo si loo joojiyo faafitaanka cudurkan laga hortagi karo,

Dhinaca kale Hay’dda caafimaadka adduunka ee WHO waxay sheegtay dad badan oo adduunka dacaladiisa ku nool in ay sanad walba u dhintaan biyo wasakhaysan oo ay cabeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]