Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – Xoogag
ka tirsan Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday saldhig
ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deeaan u dhaw degmada Balcad ee
gobolka Shabeellaha dhexe.
Saldhiga ciidamada dowladda ee
weerarka lagu qaaday ayaa ku yaala waddada isku xirta Balcad iyo degmada
Afgooye, gaar ahaan deegaanka Basra galbeedka ka xign degmada Balcad.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaa ku dileen 6 Askari
oo ka tirsanaa ciidamada xoogagga dalka Soomaaaliyeed.
Sidoo kale waxaa ay Al-shabaab sheegteen in ay la wareegeen saldhig laakiin
ma jiraan ilo ka madaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijinaya shaagashadooda.
Dadka deegaanka weerarka uu ka dhacay waxaa ay warbaahinta u sheegeen in
saldhiga la weeraray ku sugnaayeen ciidamo aan badneyn oo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya,
laakiin goob joogayaashu kama aysan hadlin khasaaraha dagaalka ka dhashay.
Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo
Shabeellaha hoose ayaa waayadii ugu danbeeyay ahaa kuwo isa soo taraya iyaga oo
weerarada ay qaadaan ku beegsada saldhigyada ciidamada dowladda
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]