4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2017
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug oo sheegay in uu dil ka badbaaday

 

Talaado, October,10, 2017 (HOL) –Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Aadan Maalin ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil, kaddib markii rasaas lagu furay gaari uu la socday.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa arrintan ku eedeeyay in uu ka danbeeyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku amar ku bixiyay sida uu hadalka u dhigay in aysan madaxtooyada ka bixin karin.

‘’Aniga iyo dabcan madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka xabsi ayaan ku nahay madaxtooyada, mar aan damcay in aan magaalada u baxo oo aan ka soo daneysto waxaa dhacday in rasaas leygu furay oo gaarigii aan watay Lugaha laga Banjariyay oo leygu yiri ma bixin kartid, waxaana arrimahaa oo dhan ka danbeeya madaxweynaha oo amarkaa bixiyay’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ku sugan madaxtooyada isugu jiraa kuwo si toos ah uga amar qaatay dowladda dhexe iyo ciidamo gaar ah ku xiran sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha oo ah ayuu yiri kuwa amarka nagu siinaya in aanan madaxtooyada ka bixin.

Eedeynta guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa imanaya xili madaxweyne Xaaf uu ka maqan yahay magaalada Cadaado isaga oo ka mid ah madaxweynayaasha ku kulansan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]