4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2017
Kenya oo sheegtay in ay dishay xoogagga ka tirsan Al-shabaab

 

Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in howl gal ay ka sameeyeen keymaha Boni ee gudaha Kenya ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya oo lagu magacaabo David Obonyo ayaa sheegay in howl galka ay ciidamadooda ku soo furteen saanad militari.

Waxaa uu intaa ku daray in shan ka tirsan xoogagga Ururka Al-shabaab ay ku dileen keymaha Boni iyo Bodhey, wali ciidankoodana ay howl gallo ka wadaan keymahaas.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in howl galkaas ku soo qabteen illaa lix qoriga AK47, bam gacmeed iyo rasaas.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay inay duqeyn doonto keymaha Boni, halkaasoo la rumeysan yahay in Al-Shabaab ka soo qaadaan weerarada ka dhaca gobolka Xeebta,

Al-shabaab ayaa bilihii ugu danbeeyay weeraro dad badan ku dhinteen waxaa ay ka geysanayeen deegaanno ku yaala gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyaga oo sidoo kalana dab qabasiiyay islamarkaana bur buriyay saldhigyo ciidan iyo xarumo kale oo gaar loo leeyahay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]