4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2017
Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-shabaab

 

Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in dhawaan uu bilaaban doono howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab kaasoo looga saarayo sida uu hadalka u dhigay guud ahaanba dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in wixii xiligan ka danbeeya aysan jiri doonin in laga gaabiyo waajibaadka ciidamada ka saaran dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, taa badalkeedana la qaadi doono tallaabo militari.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhismaha ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna balan qaaday in dhamaan ciidamada xoogga dalka loo dhameystiri doono Agabka militari oo ay u baahan yihiin.

“Run ahaantii in aan inta iska fadhino macno badan ma sameyneyso, cadowga dhinacyo badan ayuu naga jiraa, sidaasi awgeed dhawaan waxaan bilaabeynaa howlgallo lagula dagaalamayo Shabaab.” ayuu yiri taliyaha

Hadalkan ayuu Taliyaha Ciidanka xoogga dalka wuxuu ka sheegay khudbad uu shalay u jeediyay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degaanka Barriire, kadib booqasho halkaasi uu ku tagay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]