Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Waxaa maanta la filayaan in magaalada
Kismaayo lagu soo gabagabeeyo shirka halkaa labadii cisho ee la soo dhaafay uga
socday madaxda dowlad gobolleedyada.
Gabagabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed, waxaana
Madaxda ay labadii cisho ee u dambeeyay ay yeesheen doodo aad u adag.
Qodobada shirka looga hadlayay ayaa isugu jiray kuwo qaarkood ay isku
waafaqsanaayeen iyo kuwo la isku hayay go’aan ka gaaristooda.
Lama oga ilaa iyo hadda wax yaabaha leysku afgartay kulamadii ugu danbeeyay
ee dhacay oo qaarkood ahaa kuwo Albaabadu u xiran yihiin.
Balse waxaa si gaar isha loogu
wada hayaan warmurtiyeedka ka soo bixi doona kulanka madaama la ogyahay in uu
jiro khilaaf dhinaca siyaasada ah oo soo kala dhaxgalay qaar ka mid ah
maamulada dalka ka dhisan iyo dowladda dhexe.
Shirka Kismaayo ayaa ah kii u horeeyay oo ay yeeshaan madaxda dowladda
goboleedyada oo kaliya, taasoo abuuri karta shaki ka badan inta hadda laga ogyahay shirka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]