Khamiis, November, 09, 2017 (HOL) – Saraakiisha ciidamada Amniga dalka Kenya
ayaa sheegay in ay ka foojigan yihiin weerarro laga yaabo Al-shabaab in ay ka
geystaan deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi Bari.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa Wargeyska Daily Nation u sheegay
in ay jirtaan fariimo Laamaha Ammaanka soo gaaray oo sheegaya in ay Al-Shabaab
qorsheynayaan weerarro dhabo gal ah oo ay ka geystaan deegaanno iyo degmooyin
ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya.
Ciidamo booliiska iyo militariga ayaa bilaabay howlgal ka dhan Al-Shabaab ee
ku dhuumaaleysanaya dhulka Keynta ah ee Kenya gaar ahaan degaannada Xuduuda
Kenya iyo Soomaaliya ku dhow.
Saraakiil ka tirsan booliiska ayaa la la’yahay kaddib markii dagaalyahano looga shakisan
yahay Al-shabaab weerar ku qaadeen gaadiid ay saarnaayeen oo marayay degmada
Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Dowladda Kenya ayaa hadda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 4,000 Askari
oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo ujeedkiisu uu yahay in dalka ay
ka saaraan Shabaab.
Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar dad rayid ah iyo ciidamo Kenya ka
tirsan lagu dilay waxaa ay ku qaadeen gudaha Kenya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]