Khamiis, November, 09, 2017 (HOL) – Warbixinta oo
ay soo saareen Khubaro ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu
sheegay in xubnaha ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya ay ku sii fidiyaan deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya ee Puntland.
Warbixintan oo ay daabacday Wakaladda Wararka ee
Reuters ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay tirada Daacish ee sanadkii hore in
ay ahaayeen tiro Toboneeyo ah, hadana ay marayaan 200 oo qof.
Sidoo kale warbixintan Qaramada Midoobay ay soo
saartay ayaa waxaa lagaga digay tirada kororka ee Daacish in ay fududeyn karto
in xubnaha Daacish ee ka soo baxsanaya dalalka Iraaq iyo Syria in ay ku soo
dhuumaaleystaan Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Geesta kale Kolonel C/raxmaan Saciid oo ka tirsan Puntland ayaa u sheegay
Wakaaladda Wararka ee Reuters in tirada Daacish-ta joogta Puntland sii
kordheen, kuwaasi oo badankooda ka yimid Koonfurta Soomaaliya iyo dagaalyahano
shisheeye.
“Qeybta Daacish ee daacada u ah Sheekh C/qaadir
Muumin, waxaa lagu qiyaasay sanadkii 2016-kii Toboneeyo, hada waxa ay marayaan
200, Kooxda Daacish waxaa u badan dhalinyaro ka soo jeeda Koonfurt Soomaaliya,
sidoo kale Ajaanib ayaa qeyb ka ah.” ayaa lagu yiri Qoraalka QM.
Saddexdii November Duqeyn degaanka Buqa ee
buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland lagula beegsaday xubno ka tirsan Daacish
ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 10 qof oo ka tirsan xubnaha Daacish,
weerarkaasi waxaa geystay Diyaaradaha Mareykanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]