Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qorshaha lagu dhimayo tirada ciidamada midowga Africa AMISOM
Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda
Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya
C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo la hadlay BBC ayaa faah faahin dheeraad ah
ka bixiyay qorshaha dowladda ee la xiriira sugida amniga dalka, madaama uu
socdo qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada AMISOM.
"Soomaaliya
waxay isku duba riday hab nabadgelyo oo wanaagsan, waxaanan aaminsanahay in
ciidammadeena ay heleen tababar ku filan, xiligan waa markii loo baahnaa in aan
anaga dhabarka u ridano mas'uuliyadda amniga", ayuu yiri Yariisoow.
AMISOM ayaa Talaadadii sheegtay in kun Askari
hoos loo dhimayo tirada ciidamada AMISOM, iyada oo ay dalka ka bixi doonaan
marka la gaaro 31-ka bisha December ee sanadkan.
Wasiir Yariisow, ayaa sheegay in la jooggo
xilligii ay Soomaaliya la wareegi laheyd masuuliyadda amniga dalka, maadaama
sida uu sheegay la diyaariyay ciidan hanan kara ammaanka dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale ku jirta
diyaargaroow la xiriira dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kaddib Qaraxii Boqolaalka
ruux lagu dilay ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]